Latest News

Kornayl Caarre Oo Ciidankii La Socday Ku Wareejiyey Odayaashii Dhexdhexaadinayey Jabhadda Iyo Xukuumadda

Ceerigaabo, (Haatuf) – Jabhaddii korneyl Caarre iyo askartiisii ayaa maanta lagu wareejiyey guddidii madax dhaqameedka ahaa ee iskaga dabqaadayey xukuumadda iyo Taliye Caaare, waxaana lagu soo gunaaday in si nabad ah ciidankaasi lagu soo wareejiyo.

Jabhadan oo la magac baxday dulmi diid oo muddo sanad ku dhow duurka ku jiray ayaa si rasmiya dawladda loogu soo wareejiyaa marka laga reebo taliyaha ciidanka watay ee Caaro oo isaga wali la saamixin.

Taliyihi ciidankan jabhada watay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo ka hadlayey xafladii uu jabhadi ku wareejinayey waxa uu yidhi “waa maalin taariikhi ah, maanta qoladan I hor joogta oo ah madax dhaqameedka, xidlhibaanadda iyo odayaasha aad baan idin salaamaya, maanta waxaan idinku wareejinaya ciidankii dulmi diid, iyagoo saraakiishooda iyo aqoonyahankooda wata, waxaan idinkula dardaarmaya saraakiisha waanu ku soo tacabnay inaad halkeeda gaadhsiisaan.”

Mar uu fariin u dirayey madaxweynaha iyo taliyaha guud ee Ciidanka Militeriga Somaliland waxa uu yidhi “Taliyaha ciidanka Qaranka Nuux Taanni waxaan leeyahay cadaalad samee, odayga dalkana waxaan leeyahay qoladu waxba ma tarto anagay dagaalkii naga diideen.”

Caare ayaa sheegay in ciidanka uu odayaasha ku wareejinayaa dhan yihiin sagaal boqol oo askari, kuwaas oo wata boqol Tikniko ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*