Latest News

Afar Xubnood Oo Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Jubbada Hoose

Kismaayo, February 19, 2022 (Haatufonline) – Hawlgallo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu dilay 4 xubnood oo ka tirsan ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey halka loo yaqaano Waraha Buur Qaylo oo ka tirsan Jubada Hoose, halkaas oo ay xarumo ku lahaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalladan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen xarumo iyo saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxayna ciidamada dowladdu shaaciyeen inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan howl-galladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin Xoogaga Al-Shabaab oo weeraro ku qaada saldhigga ciidamada huwanta ee ku yaalla halkaasi.

Connect with us on Facebook