Latest News

Qaraxyo Ka Dhacay Beladweyne Iyo Boosaaso, Xili Fahad Yaasiin Gadhka Usoo Xiirtay Kursiga HOP#086

Boosaaso, February 19, 2022 (Haatufonline) – Magaalada Beladweyne waxa maanta ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 16 qof.

Qaraxan oo uu fuliyay qof isku soo xidhay Walxaha Qarxa, waxaanu ka dhacay Qaraxu Makhaayad ku taala Darbiga dambe Xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka dhinta ayaa waxa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maareynta Gobalka Hiiraan Cabdirashiid iyo Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Beledweyne.

Sidoo kale dadka dhintay ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen musharaxiin dooneysa Xildhibaanimo iyo Ergooyinkooda.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Boosaaso ayaa sheegaya in Qarax uu ku dhintay hal qof uu ka dhacay halkaasi, mana jirto cid sheegatay masuuliayada qaraxyadaasi inkasta oo qaraxyada noocan ah ay caan ku yihiin Ururka Al-shabaab.
Sidoo kale waxa magaalada Beladweyne gaadhay la taliyaha Madaxweynaha mudo xileedkiisubdhamaaday, Fahad Yaasiin oo la filayo in maalinta barri uu u tartamo kursi ka mid ah kuraasta halkaasi taala ee loo ordayo.

Connect with us on Facebook