Latest News

Ruushka Oo Ethiopia Ka Caawinaya Dhismaha Ciidanka Badda Oo Xoogan

Addis Abab, February 18, 2022 — Wefti Ruusha oo ka socda ciidamada badda ee dalkaasi oo uu horkacayo Major General Alexander Ostrikov ayaa u socdaalay dalka Ethiopia, kaas oo ujeedada socdaalkiisu ay la xidhiidho isku dayga dib loogu dhisayo Ciidamo baddeed oo casri ah oo Ethiopia yeelato, sida ay baahiyeen Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia ee (ENDF).

Taliyaha Ciidamada Badda Ethiopia, Commodore Walatsa Wacha, ayaa u sharaxay Weftiga ka Socda Ciidamada Badda Ruusha in la aasaasay ciidamada badda ee Ethiopia saddex sano ka hor, isla markaana ay ka shaqaynayaan dhismaha ciidan badeed oo xoogan oo tababaran, kuwaas oo u diyaar ah inay khataraha ka difaacaan wadankan ku yaala Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay warbixinta ENDF, ujeedada socdaalka weftiga ka socda ciidamada badda ee Ruushka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya dawladaha Ethiopia iyo Ruushka.

“Waxaanu bilownay inaan dhisno nidaam dhameystiran oo aanu casharro ka qaadanayno dalalka kale iyo waayo-aragnimadii hore ee ciidamada badda ee Ethiopia” ayuu yidhi Commodore Waltsa Wacha, Taliyaha Ciidanka Badda Ethiopia.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiis lala galay ciidamada badda ee Ruushka in la iska kaashado dhinacyada kala duwan ee tababarada si Ethiopia ay u furfurto awooddeeda ay ku noqon karto ciidan badda cas oo tartan ku jira.

Sannadkii 2019, Faransiisku waxa uu saxeexay heshiis uu Ethiopia kaga caawinayo dhismaha ciidamadeeda badda. Si kastaba ha ahaatee, Faransiiska ayaa ka baxay heshiiskaasi August 2021.

Inkasta oo Ethiopia ay tahay dal aan bad iyo xeeb toona lahayn, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidammada badda Ethiopia la dhigi karo Jabuuti, Casab (Eritrea) ama Berbera midkood. Balse ilo-wareedka kiiskan la socda ayaa wargeyska Capital, 2019, u sheegay in xukuumaddu ay go’aansatay inay saldhiggeedii ugu horreysay ku yeelato dalka Jabuuti.

Connect with us on Facebook