Latest News

Al-Shabaab Oo Xabsiga Boosaaso Weeraray, Ku Dhawaad 400 Maxbuusna Ka Sii Daayay

Boosaaso, March 5, 2021(Haatufonline) – Ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa ku bilawday bilowday qarax lala beegsaday albaabka laga galo  xabsiga, waxaana intaasi ka dib dagaal toos ah uu dhexmaray ciidanka ilaalada xabsiga iyo sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga weyn ee Boosaaso, ayaa sheegay in dableydii xalay soo weerartay xabsiga ay Ciidamadu cagta mariyeen, islamarkaana ay carareen sida uu hadalka u dhigay.

G/sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in Laamaha Amniga Gobolka Bari ay ku guulaysteen soo af-jaridda hawlgalka, balse ay jiraan dad xabsiga ka baxsaday, kuwaas oo qaarkood dib loo soo qabtay.

Khasaaraha weerarka ayuu ku sheegay hal askari oo dhimasho ah iyo laba dhaawac ah, isagoo xusay in ay dib ka faahfaahin doonaan wixi ka soo kordha khasaaraha dagaalkaas.

Dhinaca kale, war kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in “howlgal guuleystay” uu ka dhacay xabsiga islamarkaana ay kusoo daayeen dad ka badan 400 oo qof, sida ay sheegeen. Dadka lasoo daayey ayay Al-Shabaab ku sheegeen inay ku jiraan xubno iyaga ka tirsan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*