Latest News

Dawladda Somalia Oo Ciidamo Dhoobtay Fagaaraha Daljirka Iyo Musharixiinta Mucaaridka Ah Oo Sheegay In Balantii Lagaga Baxay

Muqdisho, March 05, 2021 (Haatufonline) – Midowga Musharixiinta Somalia ayaa caawa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen dibadbaxii loo balansaa in la qabto maalinta berri, iyaga oo ku eedeeyay dowladda in ay ka baxday balimihii ay hore ay ula galeen.

Guddoomiyaha midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed oo ay dhinac taagnaayeen xubnaha kale ee midowga ayaa sheegay in sababta ay sidaa u sameeyeen tahay kaddib markii ay xukuumaddu ka baxday balantii ay galleen islamarkaana ay dareemeen culus dhinaca nabad-galyada ah.

“Waxaa isku qaban-qaabineyn mudaharaadkii, laakiin goobihii loogu talo-galay mudahaaraadka kuligood waxa la geeyay ciidamo, taasi oo ka baxsan balantii iyo heshiiskii hore loo galay, waxayna muujineysa dooda musharaxiinta ee arrinta amniga,” ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Laakiin dhinaca Dowladda Wasiirka Amniga Xassan Xudubeey Jimcaale oo hadlay ayaa sheegay in sababta ciidamada loo geeyay Daljirka Dahsoon tahay sugida Amniga, madaama dowladdu mas’uul ka saaran tahay nabad-galyada dadka dibadbaxaya.

Waxaa waddooyinka soo gala taallada Daljirka iyo kuwa ka baxa lagu arkayaa ciidamo badan, waxaana aagga Dajirka ay ka celinayaan gaadiidka dadweynaha ee inta badan isticmaala waddooyinka soo gala taallada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*