Latest News

Alshabaab Oo Ka Huleeshay Masaajid Cali Guduud Iyo Dhaqaale Xumo Soo Waajahday

Cadale,October 29,2022(Haatufonline)-Deegaanka Masaajid Cali Guduud ayaa haatan ah aag laga wada safeeyey xoogagi
kooxda Alshabaab ee mudada dheer gacanta ku hayey iyadoo dagaalyahanadi Alshabaab ee u dambeeyey ay xalay ka huleeleen halkaasi.
Ciidamada Kamaandooska ah ee Danab ayaa saaka gudaha u galay qaybti ugu dambaysay ee deegaankaasi ka tirsaneyd kadib markii ay xubnaha Alshabaab halkaasi ka firxadeen.
Waxaana hadda la filaya in bartilmaameedka ay ciidamada Danab abbaari doonaan ee kan ku xigaa u noqdo saldhigga weyn ee argagixisadu ku leedahay Aadan Yabaal.

Dhinaca kale waxa ururka Alshabasb soo waajahay dhaqaale xumo ka dhalatay dagaaladi isdaba joog ahaa ee ay la galeen xoogaga kacdoonka qabaayilka ee ay taakulaynayaan ciidamada dawladda taasoo keentay in laga faramaroojiyo goobo door ah oo ay ka heli jireen ilo dhaqaale oo mudakar ah iyo waliba baahidoodii oo aad u korodhay dhinaca saadka ciidanka iyo daawooyinka dhaawacaba.
Siday ilo u dhuun daloola arintani sheegeen, Alshabaab ayaa lacag qadimaad ah waydiisatay ganacsatada ay isku xidhanyihiin si ay suuqyada uga soo iibsan karaan alaabooyinkii awal dibadda looga soo dhoofinjiray sida daawooyinka iyo rasaasta. Inkastoo ay dawladda Somalia soo saartay amarro lagu xaaraantimaynayo lacagta la siiyo Alshabaab haddana waxa la ogsoonyahay in ganacsatada,baananka iyo shirkadaha isgaadhsiintu aanay dhag u dhigin wareegtooyinkii iyo hadadaladi xukuumaddu ku mamnuucday qaadhaanka baadda ah ee Alshabaab la siiyo. Mana jirto ilaa hadda cid dhaqaale ay Alshabaab siisay oo sharciga lagu horkeenay falkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*