Latest News

Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Dhagax Dhigtay Biriishka Xaafada Sh.Nuur

Hargeysa, October 29, 2022 (Haatufonline) -Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa maanta dhagax dhigtay Biriishkan Wayn ee xaafada Sheekh Nuur ee magaalada Hargeysa.

Biriishkan ayaa isku Xidhaya Xaafadaha Sheekh Nuur, Sheekh Mubaarik iyo Daami, kaas oo ay baahi wayn ay u qabeen dadka Degan Sadexdan Xaafadood.

Dadweynaha Xaafada Sheekh Nuur ayaa dhibaato kala kulma wakhtiga Xili Roobaadka inay ka talaabaan doox weyn oo biyaha geeya dhaamka Daami.

Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa sidoo kale sheegtay Sidoo inuu qorshaha ugu jiro inay si dhakhso ah u bilawdo dhismaha wado laami ah oo ka soo Bilaabmata masaajidka kuwaytiga ilaa Xaafadda Sheekh Nuur/Kiladhka.

Waxaana sidoo kale ay Dawlada Hoose u dhistay wadada Daami oosidoo kale Xaafadan Sheekh Nuur ku xidha Suuqa Hoose ee Hargeysa ama Waaheen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*