Latest News

Alshabaab oo laga dilay Farsame yaqaankii walxaha qaraha ugu khabiirsanaa Injineer Ismaaciil

Haatufonline January 3,2026

Ciidamada kamaandooska ee Maraykanka iyo kuwa Somalia oo wada socda ayaa habeen hore ku guulaystay inay khaarajiyaan Injineer Ismaaciil oo ahaa muhandiska walxaha qarxa ee Alshabaab kii ugu sareeyey ugana caansanaa.
Ninkan oo magaciisa dhabta ahi yahay Cabdullaahi Cismaan Maxamad loona yaqaano Injineer Ismaaciil ah Injineer Ismaaciil ayaa lagu dialy Buulo Falaay oo ku taala gobolka Shabeelada Hoose ka dib markii ay ciidan diyaaradaha helikoobtarka watay ku dul daateen goobtii uu ku jiray,waxaana halkaas kula dhintay xubno kale oo ka tirsan Alshabaab.
Injineer Ismaaciil ayaa loo tirinayaa inuu ka dambeeyey farsamaynta qaraxyadii ugu darnaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho sida qaraxii isgoyska Soobe ee ay ku geeriyoodeen dad tiradoodu kor u dhaaftay 500 qof,bishii Oktoobar ee sanadkii 2017, iyadoo ay
xoogagag la dagaalanka argagixisadu muddo dheer radinayeen Injineer Ismaaciil si ay u dilaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*