Alshabaab Oo Lagu Jabiyey Dibna Looga Qabsaday Moqokori
Haatufonline,July 8,2025
Kooxda Alshabaab ayaa lagala wareegay tuulada Moqokori kadib markii xalay lagu jabiyey dagaal culus oo halkas ku dhex maray iyaga iyo maleeshiyada Xawaadle oo ay taageerayaan ciidamada dawladda ee Somalia.Kooxda Alshabaab ayaa doraad gacanta ku dhigtay tuuladan ka dib markii ay weerar isku dhafan oo qarxini ku jirto ay kusoo qaadeen Moqokori oo ku taala gobolka Hiiraan ee ka tirsan maamul goboleedka Harsha beeleen ee Somalia.
Siday iloo ku sugan deegaankaasi noo sheegeen waxa ilaa shalay galinkii dambe meel ku dhaw Moqorki ka socday dadaal ay wadeen madaxda maleeshiyaadka Xawaadle iyo ciidamada dawladda oo la doonayey in dib loogu qabsado Moqokori.Warar laga soo xigtay dad goob joog ahaa ayaa tibaaxay in maleeshiyada Xawaadle doraad laga qabsaday ilaa tobaneeyo gaadiidka qoryuhu saaranyihiin ah,hasa yeeshee wali lama oga khasaaraha labada dhinac shalay kala gaadhay isgaadhsiinta deegaankaasi oo ilaa xalay xidhnayd awgeed.
Leave a comment