Latest News

Somaliland Oo 64 Ka Mid Ah Askartii PSF Ee Saaka L/Caanood Isku Dhiibay Ku Wareejisay Puntland

Hargaysa,January 7,2023(Haatufonline)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa galinkii dambee maanta maamulka Puntland ku wareejisay askar ka tirsan ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Puntland oo tiradoodu gaadhayso 64 qof oo saaka isu dhiibay ciidamada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Askartan oo kasoo gudbay dhinaca Puntland ayaa xalay si sharci darro ah usoo galay magaalada Laascaanood, hasayeeshee maamulka madaxwaynaha Puntland Siciid Deni oo lasoo xidhiidhay dhinaca Somaliland ayaa cudur daar iyo raaligalin ka bixiyey arintan waxaanay sheegeen in aanay lug ku lahayn arintan. Xubnaha is-dhiibay oo ka tirsan ciidan loo yaqaano PSF ayaa iyaguna sheegay in la khalday waxaanay dhinaca Somaliland ka codsadeen in la cafiyo oo Puntland lagu celiyo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*