Latest News

Alshabaab Oo Saraakiil Kale Xalay Laga Dilay Iyo Khasaarahooda Isa Soo Taraya

Muqdisho April 21,2021(Haatufonline)-Ururka Alshabaab ayaa weerar cirka ah waxa lagaga dilay sadex sarkaal goobo ku yaala gobolka Shabeelada Hoose ee Somalia.Duqayntan oo lala beegsaday masuuliin ku sugnaa tuulooyinka Tawakal iyo Ugunji oo ka mid ah deegaanka Janaale ee hoos yimaadda gobolka Shabeelada Hoose waxa ka mid ah saaraakiisha Alshabaab ee ku dhintay Khaalid Cabdilaahi oo u qaabilsanaa ururinta cashuurta iyo Macalin Yuusuf oo ka tirsanaa ciidanka sirdoonka Alshabaab ee loo yaqaan Amniyaatka.

Ururka Alshabaab ayaa dhawr cisho ka hor waxa laga dilay ninkii walxaha qarxa qarxa ugu samaynjiray goblka Shabeelada Dhexe iyadoo 3 bilood ee u dambeeyey ay ururka Alshabaab soo waajaheen khasaare cul culus oo xagga saraakisha iyo masuuliinta sar sare ah ee la dilay ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*