Latest News

Madaafíic Lagu Weeraray Villa Somalia Oo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay

Muqdisho, April 21, 2021 (Haatufonline) – Inta la ogyahay ilaa saddex qof ayaa ku dhintay, shan kalena way ku dhaawacmeen kadib markii madaafíic lagu weeraray Madaxtooyada Somalia, duhurnimadii maanta oo Arbaca ah.

Hoobiyeyaasha lagu bartilmmaameedsanayey Villa Sommalia oo tiradoodu gaadhaysay ilaa shan hoobiye ayaa saddex ka mid ahi waxay ku dhaceen guryo dad shacab ahi ay degan yihiin, halka laba ka mid ahina ay ku dhaceen Madaxtooyada Somalia lafteeda.

Hoobiyeyaasha ku dhacay guryaha shacabka ah ayaa waxa ku dhintay laba Dumar ah, halka ay ku dhaawacmmeen ilaa shan kale oo oo u badan caruur oo ay hoobiyeyaashu ugu tageen xaafádaha degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Masuuliyada weerarkan ayaa waxa sheegtay ururka Al-shabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*