Astaamo Muujinaya Burburka Ku Dhacay Kaydkii Hubka Iyo Rasaasta Ee Xuutiga

Haatufonline,April 5,2025
Ciidanka Ilaalada Badda ee Koonfurta Yaman ayaa markii labaad ee todobaadkan gudahiisa gacanta ku dhigay hub u socday Xuutiyiinta oo kusoo beegnaa Xeebta Rasal Caara ee ku dhaw marinka Baabal Mandab .
Hubkan la qabtay ayaa waxa uu badankiisu ka koobna rasaasta lidka taankiga,gantaalaha BM-ka iyo qoryaha Loo-ga.
Hadaba marka la eego nooca hubka laga qabtay Xuutiyiinta waxa la ogaa inay ka haysteen kayd xad-dhaaf ah oo muddo dheer ku filan taasoo keentay in
la isweydiiyo sababta ku kaliftay inay xiligan u baahdàan rasaasta lidka taankiga iyo rasaata BM-ka iyo waliba qoriga Loo-ga ee marka kaliya la istimaalo.
Ciidanka Maraykanka ayaa badhtamihii bishii March bilaabay duqayn cirka ah oon kala go’ lahayn oo uu la beegsanayo awoodaha ciidan ee Xuutiyiinta taasoo laga yaabo inay saamaysay kaydkii hubkii caadiga ahaa (conventional weapons) ee ay Xuutiyiintu hore u haysteen.
Yoolalka ugu muhiimsan ee ay Maraykanku bartilmaameedsanayeen waxa ka mid ah baraha ay Xuutiyiintu kasoo ganaan gantaalaha ridada dheer (Ballistic missiles),diyaaradaha daroonka iyo makhaasiinada kaydka hubka iyo rasaasta.
Hubka casriga ah sida gantaalaha iyo diyaaradaha daroonka waxa Xuutiyiintu ku taakulayn jiray dalka Iran isla markaana waxa hubkaasi isticmaalkiisa ku tababari jiray khubaro Eeryaaniyiin ah iyo qaar ka tirsan Xisbula.
Hasa yeeshee markay noqoto hubka caadiga ah ee min taanki ilaa qoriga AK iyo raasaastooda nooca walba leh, Xuutiyiintu way ka xaqab beeleen sababto ah waxay sanadkii 2015 la wareegeen gabi ahaanba wixii hub, rasaas iyo warshado ee uu laha ciidankii qaranka ee Yaman. Sidaas darteed Xuutiyiintu waxay marwalba mudnaanta siin jireen in aanay ka kala go’in hubka casriga ah ee uga yimaadda dhinaca Iran kaasoo tahriib kusoo gaadhi jiray dekadaha
ay Xuutiyiintu haystaan.
Laakiin lama filayn inay Xuutiyiintu xiligan u baahdaan hubki loo adeegsan jiray dagaalka dhulka(conventional warfare).
Arintan ayaa waxay muujinaysa burbur laxaad leh oo soo gaadhay kaydkii hubka iyo rasaasta ee Xuutiyiinta mudadii ay duqaynta Maraykanku socotay iyadoo ay Xuutiyiintu wadnaha farta ku hayaan in ciidamada dawladda Yaman ee sharciga ahi ay dhawaan weerar balaadhan oo dhulka ah kusoo qaadaan .
Leave a comment