Latest News

Gaalkacayo: Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Oo Ka Badbaaday Weerar Lagu Soo Qaaday

Gaalkacayo, Aprill 22, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliaa, Cabdicasiis Muuse Cali ayaa ka badbaaday weerar caawa lagu soo qaaday.

Weerarkan ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaana Beerta Duqii hore ee Gaalkacyo oo ku taala Waqooyiga magaaladaasi oo maamul goboleedka  Puntland ka taliso.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Puntland ay weerareen beertaasi, xilli Wasiirka uu kulan kula lahaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka. Warar kalena waxay sheegayaan in Wasiirka uu ka qaybgalay kulan afur ahaa, oo uu u sameeyay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka saddex kalena ay ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah Taliye Kuxigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Cabdisaciid Xuseen Jaamac iyo Nabadoon Yaasiin Cabdisamad.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoon Yaasiin Cabdisamad uu soo gaadhay dhaawac culus, haatana dhaawaciisa lagula tacaalayo Isbitaalka Gaalkacyo.

Connect with us on Facebook