Latest News

Baarlamaanka Ethiopia Oo Qaaday Xaaladii Degdega Ahayd Ee Lagu Soo Rogay Dalkaasi

ADDIS ABABA, February 15, 2022 (Haatufonline) – Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa maanta u codeeyey in la qaado xukunkii degdega ahaa ee lagu soo rogay dalka Ethiopia.

Talaabadan ayaa la filayaa in si degdeg ah ay wax uga tari doonto dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ciidamada dawlada iyo Tigrayga dhexmarayey.

Xukunkan degdega ayaa saarnaa dalka Ethiopia sadexdii bilood ee u dambeeyey, iyadoo loogu talo galay mudo lix bilood ah inuu ku jiro dalkaasi xaalada degdega ah.

Dagaaalkan ka socdan dalka labaad ee shacab ahaan ugu badan Afrika ayaa laga dhexwadaa waanwaan labada dhinac ee dagaalamaya, waxaana muuqata ididiilo hore loogu soconayo dhinaca nabada.

Xaalada degdega ah ayaa dawlada waxay awood u siisay in dad badan oo muwaadiniin ah la xidho xukun la,aan.

Connect with us on Facebook