Latest News

Weftiga Xildhibaan Gavin Williamson Oo Booqday Dekeda Berbera

Berbera, February 18, 2022 (Haatufonline) – Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson.
Maareeyaha Dekedaha, ayaa xubnaha waftiga Xildhibaanada Baarlamaanka UK, kusoo wareejiyey qaybaha Dekeda Berbera ka kooban tahay, Dekeda Cusub iyo tii horeba.
Maareeyaha ayaa waftiga Xildhibaanada Baarlamaanka UK, uga Warbixiyey Horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsatay Dekedda mudooyinkii u Dambeeyey, isagoo kusoo wareejiyey qayb-qayb, isla Markaana uga Warbixiyey waxyaabaha ay kala qaabilsan yihiin.
Sidoo kale, Maareeyaha Dekedaha JSL, ayaa Xildhibaanada uga mahad-naqay, dooddii xaqiiqda ku fadhiday ee ay Baarlamaanka UK dhawaan horgeeyeen qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, doodihii cad-caddaa ee ay badka keeneen iyo adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland.
Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.

Connect with us on Facebook