Latest News

Badda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Puntland Oo Lagu Qabtay Dooni Hub Iyo Argagixiso Ajaanab Ahi Saaranyihiin

Haatufonline,June 15,2025Dooni wayn oo hub iyo argagixiso ajaanib ahi saaranyihiin ayaa Arabacadii dhawayd lagu qabtay xad badeedka u dhaxeeya Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Somalia.Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Somalia iyo mid ka mid ah dawladaha la saaxiibka ahi,ayaa hirgalintiisu kusoo beegantay ka dib markii ay dawladda Somalia isbadal ku samaysay hogaankii sirdoonkeeda iyadoo todobaadkii hore xilkii agaasinka Nisa laga qaaday Cabdilaahi Sanbalooshe loona magacaabay Mahad Salaad inuu mar kale noqdo agaasimaha sirdoonka Somalia.Siday ilo ku dhaw dhaw hayadaha sirdoonku sheegeen,waxay doonta la qabtay kasoo shiraacatay dekadda Mukala ee ku taala Koonfurta Yaman, waxaana dadka saarnaa ee gacanta lagu dhigay ka mid ah 4 nin oo ajaanib ah oo ilaa hadda aanay kala cadayn Alshabaab iyo Daacish kay u socdeen. Waxa kale oo la qabtay Naakhudihi doonta iyo nin Soomaaliyeed oo doonta la socday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*