Latest News

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Laba Qof Oo Faafinayey Diinta Kiristaanka

Hargeysa, October 5, 2020 (HaatufOnline) – Afhayeenka ciidamada booliska Somaliland gaanshaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu sheegay iney gacanta kusoo dhigeen laba qof oo Somaliland ku dhex faafinayay diinta masiixiyadda.

Labadan qof oo aan la sheegin magacyadooda ayaa waxa uu tilmaamay in xogtooda ay ciidamadu heleen kadibna ay sameeyeen daba-gal, illaa ugu dembeyn gacanta lagusoo dhigo.

Gaashaanle sare Feysal Xiis Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in shakhsiyaadka ay soo qabteen ee faafinayay diinta Kirishtaanka ay markii hore ahaayeen, muslimiin ka baxay diinta Islaamka.

“Labadaan ruux waxay si wanaagsan u yaqaannaan diinta Islaamka, way ka baxeen,  haddana waxay faafinayeen diinta Kirishtaanka” ayuu Afhayeen Xiis u sheegay warbaahinta Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu digniin ujeediyay, dadka tallaabooyinka noocaan oo kale ah qaadi kara iney ka waantoobaan.

Ugu dembeyn booliska Somaliland ayaa tilmaamay in dadka ay soo qabteen ay ku wareejin doonaan hay’adaha cadaaladda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*