Latest News

Tahriibayaal Ka Soo Noqday Yemen Oo Ku Dhintay Xeebta Jabuuti Markii Ay Soo Gaadheen

Jabuuti, October 5, 2020 (Haatufonline) – Sideed muhaajir ama tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xeebta dalka Jabuuti markii ay soo gaadheen, halka 12 kalena la la’yahay raq iyo ruuba.

Hay’adda Socdaalka caalamiga ah ee IOM ayaa sheegtay in 14 kale la soo badbaadiyey kadib markii Tahriibayaashaasi oo ka soo noqday dalka Yemen markii ay u suuragali wayday inay galaan dalka Sucuudiga ayaa markii doontii siday ay soo gaadhay Xeebta dalka Jabuuti waxa ay Mukhalasiintii siday ay ku khasbeen inay doonta ka daataan.

Dhamaan Tahriibayaashan dib uga soo noqday dalka Yemen oo tiradoodu gaadhaysay 34 qof ayaa la rumaysan yahay inay ahaayeen Ethiopian ka soo caalwaayey inay galaan dalka Sucuudiga kadib markii Xayiraadaha Xanuunka Coronavirus amaanka xadka aad loo adkeeyey lana xidhay.

Cudurka faafaya ee Covid19 iyo colaadaha ka socda dalka Yemen ayaa sidoo kale ka dhigay safarka dalalka Gacanka mid khatar ah, taas oo keentay in Mujaahiriin farabadani ay dib iskaga soo noqdaan

“Ugu yaraan sideed mujaahir ayaa dhintay, 12 kalena waxa lagu layahay bada kadib mukhalasiintii siday ay ku khasbeen inay doonta ka daataan iyagoo bada xeebta Jabuuti taagan,” sidaasi waxa yidhi Afhayeen u hadlay IOM oo magaciisa la yidhaa Yvonne Ndege.

Sidoo kale IOM waxa ay sheegtay in 2,000 Tahriibe ay soo gaadheen Jabuuti, kuwaas oo ka yimid dalka Yemen saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*