Latest News

Burburintii Ilahoodii Dhaqaale Kadib,Xuutiyiinta Oo La Filayo Inay Culayska Saaraan Tahriibta Hubka Iyo Daroogada

Haatufonline,May 8,2025

Kooxda Iran taageerto ee Xuutiyiinta ayaa la filaya inay culayska saaraan ganacsiga tahriibta hubka iyo daroogada kadib markii ay duqaynti cirka ee Maraykanku ka burburisay ilo dgaqaale oo ay ku tirsanaan jireen. Duqaynta cirka ee Maraykanka ayaa waxay kooxda Xuutiyiintu ku waayeen ay dhaqaalaha badnaa ee kasoo gali dekadaha iyo madaarada kuwaasoo burbur laxaad lehi ku dhacay oo aanu maanta mid kaliya ahi ka shaqaynayn.
Duqayntan Maraykanka ee Xuutiyiinta oo bilaabmatay 14 March ayaa joogsatay Arbacadii dhawayd ka dib markii ay Xuutiyiinta ogalaadeen in aanay dib u weerarin maraakiibta Maraykanka ee marta Badda Cas.
Mudadii weerarka cirku socday diyaaradaha Maraykanku waxay duqeeyeen oo dhawr jeer ku noq noqdeen dekadaha Xudayda,Raas Ciisa iyo Sulaif ee Xutiyiintu dhaqaalaha wayn ku qabeen tan iyo markii ay la wareegeen Yamanta Waqooyi sanadkii 2015.
Waxa kale oo ay Maraykanku duqayn la tiigsadeen madaarka Sanaca oo ay isticmaali jireen sadex diyaaradood oo ay lahayd Yemen Airways iyo diyaaradaha hayadaha gargaarku.
Waxa seh goobahaas burburkoodii iskaba raaciyey oo weerar balaadhan kusoo qaaday todobaadkii hore dhawr iyo konton ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Israel kuwaasoo sadexdii dekadood iyo madaarkii Sancaba dakan dakan ka dhigay.
Dalka Iran qudhidiisa ayaa ku jira xaalad aanu Xuutiyiintu wax ku tari karayn sababto ah awaxa ku habsatay dhaqaale xumo ay ugu wacantahay cunoqabataynta balaadhan ee uu Maraykanku kusoo rogay .
Sidaas darteed waxa la saadaalinya in Xuutiyiintu ay si waali ah u labanlaaban tirada hubkii ay ka iibin jireen Soomaalilida iyo kooxaha argagixisada ah ee ay awalba macaamilka wada lahaayeen sida Alshabaab iyo Daacish. Waxa seh suurtugal ah inay iibka hubka gaadhsiiyaan wadamada kale ee Geeska iyo Bariga Afrika.
Iibka hubka kasakow, Xuutiyiintu waxa kale oo ay hore ugu jireen oo lacag aan yarayni kasoo gali jirtay ganacsiga maandooriyeyaasha waxaana la filaya inay balaadhiyaan shabakadaha tahriibta hubka iyo daroogada ee u shaqayn jiray si ay uga helaan dakhli wayn oo ay kaga soo kabtaan ilihii dhaqaalee laga burburiyey.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*