Latest News

Buulobarde: Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay 27 Dagaalyahan Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

Buulabarde, September 21, 2022 (Haatufonline) – Milatariga dalka Maraykanka ayaa sheegay inay badhtamaha gobolka Hiiraan ay ku dileen 27 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halkaas oo ciidamada Somalia ay weerar ku qaadeen bishii u dambaysay.

War-saxaafadeed Arbacadii maanta ay soo saareen Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah ay ku dileen 27ka dagaalyahan ee Al-shabaab ka tirsan oo xiligaasi doonayey inay ciidamada Somalia ku weeraraan Buulobarde 18-kii bishan September.

Taliska AFRICOM waxa uu intaasi ku daray in aanay jirin dad shacab ah oo wax ku noqotay weerarkaasi ay qaadeen.

Weerarkan dhinaca cirka ah oo Axadii ka dhacay Buulobarde, oo 200km (125 miles) waqooyi kaga beegan caasimada Muqdisho ayaa noqonaya kii lixaad ee dhaca sanadkan, sida ay sheegtay AFRICOM

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*