Cabdi Madoobe iyo kooxdisii Buuhoodle iyo Laascaanood oo loo aqoonsaday argagixiso
Haatufonline January 31,2026
Dawladaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa ka walaacsan koox argagixiso ah oo ku sugan aaga Laascaanood iyo Buuhoodle ee ku yaala xadka bari ee u dhaxeeye Somaliland iyo Somalia.Jiritaanka kooxdan ayaa waxa soo xaqiijiyey hayadaha sirdoonka ee Somalia,kuwa gobolka iyo qaar ka mid ah kuwa caalamkaba,waxaana ka mid ah madaxda kooxdan Cabdi Madoobe oo ah taliyahooda ciidan,Jaamac Kuutiye oo sanadkii 1994 ka qaybgalay weerar argagixiso ah oo ka dhacay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo lagu dilay gabadh Kiiniyaan ah oo u shaqayn jirtay hayad samofal ah iyo nin loo yaqaano Fuaad oo lug ku lahaa hawlgalkii ismiidaaminta ahaa ee ay Alshabaab ku fuliyeen sadex bartilmaameed oo ku yaalay magalada Hargeisa sanadkii 2008 iyo waliba qaryaxo ka dhacay Laascaanood waqtigii ay dawladda Somaliland ay maamulkeeda gacanta ku haysay. Hayadda sirdoonka ee Somalia Nisa ayaa todobaadkan si rasmi ah u faafisay sawirada hogaamiyeyaasha kooxdan iyadoo dadweynaha ka codsatay inay lasoo socodsiiyaan hadii ay ogaadaan halkay nimankaasi ku suganyihiin.
Dawladda Somaliland ayaa in badan ku doodaysay in boqolaal ka tirsan argagixisada Alshabaab ay ku suganyihiin Laascaanood iyo Buuhoodle,hasayeeshe dawladaha gobolka ayaan arintaasi dheg u dhigin.Unug qarsoodii ah oo ka tirsan Alshabaab ayaa laga bilaabo 2008 ilaa 2023 Laascaanood ka fuliyey ugu yaraan labaataneeye dil oo lagu khaarajiyey madaxda hayadaha dawladda ee Somaliland ee ku sugnaa magaaladaasi. Dhammaan dadka la laayey hal qof mooyaane ayaa ka wada tirsanaa beesha Dhulbahante ee degta Laascaanood iyo Buuhoodle. Lix iyo tobankii bishan ayaa kooxda Alshabaab hoobiye ku weerartay guri uu Agaasimaha Nisa Mahad Saalad ka deganaa Laascaanood.Todoba iyo tobanki bishan Madaxwaynaha Somalia ayaa isaguna yimid Laascaanood halkaas oo ay ku balansanaayeen safiirada Turkiga,Sucuudiga iyo Soodaan ,waxaanu Xasan culays saaray in la qariyo warka dhacdada argagixisada weerartay Mahad Salaada si aanay safiiradu uga baaqin safarka ay Laascaanood ku imanayeen maalinta xigta oo ahayd 18 kii bishan.
Alshabaab ayaa dilalkan uga dan lahayd inay nacayb ku kala dhex abuurto dawladda Somaliland iyo dadka ku nool deegaanka si ay uga dhex faaiidaysato, taasoo u hirgashay dabayaaqadii bishii December 2022 ka dib markii Laascasnood dil qorshaysan lagu fuliyey Cabdifataax Hadraawi oo ka mid ahaa siyaasiinta qabiilka Dhulbahante ee ka tirsan xisbiga Wadani ee Somaliland.Mudaaharaad rabshado wata oo lagu weerarayo ciidamada bilayska iyo xafiisyada dawladda Somaliland ayaa ka dhacay magaalada Laascasnood horaantii January 2023,iyadoo isla bishii Febrauary ee ku xigtay ay maleeshiyo ka tirsan qabiilka Dhulbahante iyo kooxda Alshabasb ay weererar kusoo qaadeen fadhiisamihii ciidanka Somaliland ku lahaa agagaarka Laascaanood,sidaasna uu ka bilaabmay dagaalkii socday ilaa bishi August 2023 xiligaas ka dib oo ciidamada Somaliland kasoo wada baxeen Laascaanood iyo tuulooyinka hoos yimaadda ee bariga gobolka Sool.
Dhinaca kale madaxa maamulka maleeshiyada Laascaanood Cabdilqaadir Firdhiye ayaa madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh uga dawcwooday xubnaha Alshabaab ee la xqiijiyey inay ku sugan yihiin aaga Laascaanood iyo Buuhoodle iyadoo uu ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii arintaasi looga noqon lahaa isla markaana looga dulqaadi lahaa madaxda ciidankiisa ee lagu eedeeyey inay ka tirsanyihiin ururka guud ee Alshabaab. Hasa yeeshee Xasan Sheekh ayaa Firdhiye kula taliye inay Cabdi Madoobe iyo kooxdiisu marka kore Muqdisho isu soo dhiibaan oo soo maraan barnaamijka dhaqan celinta si ka dib cafis loogu fidiyo oo laga tirtiro shaabadda argagixisonimada.
Leave a comment