Latest News

Cabsi Laga Qabo In Taageerayaasha Alshabaab Ay Soo Galaan Baarlamanka Somalia Iyo Ammaanka Odeyaasha Soo Xulaya Xubnaha Oo Khatar Ku Jira

Muqdisho,October 13,2020(Haatufonline)-Waxa isa soo taraya walaaca laga qabo in xubno taageersan ururka Alshabaab ay soo galaan baarlamanka Somalia marka ay doorashadoodu dhacdo bisha December 2020.

Sida warbaahinta lagu sheegay saraakiil sar sare oo ka tirsan Qarmada Midoobay iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Xamar ayaa mar ay todobaadkan arintaa kala kulmeen madaxweynaha Somalia iyo agaasimaha hayaddiisa sirdoonka ee Fahad Yaasiin uga digay inay sahashadaan qorshaha Alshabaab ku doonayso inay si dadban xubno ugu yeelato golaha shacabka iyo aqalka sareba.

Dhinaca kale waxa laga dayrinaya sida u noqon doono amaanka odeyaasha soo xuli doona xubnaha matalaya deegaanadooda hadii ay ka horyimaadaan in taageereyaasha Alshabaab soo galaan baarlamanka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*