Latest News

Seyoum Mesfin Oo Qarxiyey Sirta Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Lagu Tababarayo Eritrea Iyo Ciidamada Sirdoonka Eritrea Oo Dhex Mushaaxaya Addis Ababa Iyagoo Fasax Ka Haysta Abiy Axmed.

Mekele ,October 13,2020(Haatufonline)-Wasiirkii hore ee Khaarajiga ee dalka Ethiopia Seyuom Mesfin ayaa waraysi ay saxaafaddu la yeelatay 10kii bishan qarxiyey sirta ciidamo ay dawladda dhexe ee dawlad goboleedka Amxaarada ee Ethiopia u diraan dalka Eritrea si loogu soo tababaro.Waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in ciidamada sirdoonka Eritrea ay waqtigan xaadirka ah dhex mushaaxayaan dalka Ethiopia iyagoo labbisan dirayska ciidamada Ethiopia si ay u taageeraan raiisalwasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Mr Mesfin wuxu Abiy Axmed ku eedeeyey inuu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ka ogolaaday inuu baylahsado Ethiopia oo kufsigeedu mubaax u noqdo waxaanu arintaa ku tilmaamay mid sharaf dhac ku ah karaamadi iyo qarannimadi dalka Ethiopia lahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*