Latest News

Ciidamada Alshabaab Oo La Sheegay Inay Saldhigyo Ay Ku Lahaayeen 3 Maamul Goboleed U Rareen Jubada Dhexe

Muqdisho,September 12 2022(Haatufonline)- Ururka Alshabaab oo xamali kari waayey weerarada ay ku hayaan maleeshiyaadka Macawislaydu ayaa saldhigyo uu ku lahaa gobolka Hiiraan iyo qaybo ka mid ah Galmudug iyo Koonfurta Galbeed dani lu kaliftay inuu u raro gobolka Jubada Dhexe oo muddo dheer ku jiray gacantiisa.Ciidamada Alshabasb ayaa bishi ugu dambasay waxa soo waajahay culays colaadeed oo kaga furmay qabaayilka ku nool Hiiraan,Galguduud Iyo Shabeelada Hoose kuwaas oo weeraro ku qaaday goobahii ay daganaayeen ciidamada Alshabaab khasaarana gaadhsiiyey.Dhinaca kale hawlgalo qorshaysan oo ay ciidamada dawlada Somalia todobaadkan ka fuliyeen deegaano kala duwan oo hoos yimaada Shabeellada Hoose ayaa waxa lagu dilay qaar kalena lagu dhaawacay saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab iyadoo goobaha weeraradaasi lala beegsaday ay ka mid ahayd xarun weyn oo ku taalay deegaanka Mubaarak oo ay Shabaabku ku ururin jireen baada ay dadka ka qaadaan isla markaana dhaqaale badani kasoo gali jiray muddo dheerna ay gacanta ku hayeen .

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qayb laxaad leh ka qaatay taakulaynta kacdoonka maleeshiyada Macawislayda ee ka dhanka ah Alshabaab ayaa guddoomiyaha golaha shacbka iyo madaxda dawladda federaalka ugu baaqay in talaabo laga qaado xildhibaan ka tirsan baarlamanka oo la yidhaahdo Cabdirizaaq Aadan Warsame kuna magacdheer Xusul kaas oo ciidamada Macawislayda ku tilmaamay inay yihiin kooxo ka daran Alshabaabka oo khatar ku ah Somalia.Xildhibaankan ayaan marna wax dhaliil ah ka sheegin argagixisada Alshabaab

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*