Latest News

Ciidamadii Tigrayga Ee Nabad Ilaalinta U Joogay Somalia Oo Hub Ka Dhigis Lagu Sameeyey

Nairobi, November 19, 2020 (Haatufonline) – Ethiopia ayaa sheegtay Arbacadii maanta in ciidamadii Tigrayga ee nabad ilaalinta u joogay Somalia lagu sameeyey hub ka dhigis sababo la xidhiidha amaanka, taas oo walaac ku abuurtay in awoodii ciidankaasi ee la dagaalanka kooxda Al-qaacida xidhiidhka la leh ay hoos u dhacdo.

Ilo wareedo Diblomaasiyadeed iyo kuwo amaan ayaa sheegay in tirada ciidamada Tigrayga ee ka midka ahaa ciidamada Ethiopia ee hub ka dhigista lagu sameeyey ay gaadhayaan 200 ilaa 300 Tigray ah, kuwaas oo dhamaantoodba laga tiiriyey hubkii ay siteen.

Ciidamada Federalka Ethopia ayaa bishan bilaabay guluf ciidan oo ka dhan ah Tigrayga Gobolka Waqooyiga Ethiopia ku yaala, kadib markii wax ay dawladu ku sheegtay in weerar layaab leh ay TPLF ku qaaday saldhig milatari oo gobolkaasi ku yaala.

Milatariga dalka Ethiopia oo la tilmaamo inuu ka mid yahay kuwa ugu firfircoon Geeska Afrika, ayaa door weeyn ka cicyaarayey Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee ku sugan Somalia.

Hub ka dhigista ciidamadan ayaa la sheegay inay diciifin doonto awoodii ciidanka ee la dagaalanka Alshabab, xiligan oo Somalia ay diyaarinayso inay qabato doorashooyinka Baarlamaanka bishan soo socota iyo ta Madaxtooyada la filayo inay qabsoonto bisha February, waxaanay kuwa siyaasada falanqeeyaa ay sheegayaan in Madaxweyne Trump laftiisu uu kumanaan ciidamada Maraykanka ah uu la baxayo bisha January ee soo socota.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*