Latest News

Ethiopia Oo Gulufkii Ugu Cuslaa Ku Qaadaysa Caasimada Tigrayga

Addis Ababa, November 18, 2020 (Haatufonline) — Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay in hawlgalkii ugu dambeeyey uguna muhiimsanaa ay ku qaadayaan Dawlada Ismaamulka Tigrayga Ethiopia, inkastoo Qaramada Midoobay ay ka digtay “dhibaato bina-aadamnimo oo ballaadhan” iyadoo qaxootiga cararaya iyo dadka Tigrayga ay la soo daristay gaajo iyo cunto la’aani.

Safaarada Maraykanku uu ku leeyahay dalka Ethiopia ayaa ku boorisay kuwa aan gobolka Tigrayga uga bixi karin si nabadgalyo ah in lagula talinayo inay meelahaa ku gabadaan.

Tiro lagu qiyaasay inay ka badan yihiin 1,000 qof oo ka soo jeeda dalalka dibada ayaa la sheegay inay ku godoonsan yihiin gobolka Tigrayga.

Raysal Wasaaraha Ethiopia waxa uu intaasi ku daray in saddexdii maalmood ee loo qabtay hoggaamiyeyaasha Tigrayga iyo Ciidamada Gaarka ah inay dhamaatay.

Wakhti xaadirkana ay ciidamadiisu ay isku shubayaan caasimada Mekele si ay u qabtaan dambiilayaasha, sida uu hadalka u dhigay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, kaas oo waraysi khadka telefoonka ku siiyey wakaalada Wararka ee The Associated Press. “Hawlgalkan Mekele lagu qaadayaa waxa uu noqon doona mid aad u kooban. Waxaanu noqon doonaa wajigii ugu dambeeyey,” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*