Latest News

Ciidamo Eritrean Ah Oo 3 Qof Ku Dilay Magaalada Adwa Ee Gobolka Tigray, 19 Kalena Dhaawacay

Adwa, April 15, 2021 (Haatufonline) – Askar ka tirsan ciidamada Eritrea ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugan magaalada Adwa ee gobolka Tigrayga, waxaanay halkaasi ku dileen saddex qof, halka ay ugu yaraan 19 kalena ku dhaawaceen sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International.

Warbixin ay soo saartay Arbacadii, hay’adda u doodda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in “weerarka aan loo meel dayin” uu ka dhacay badhtamaha magaalada Adwa, Isniinta, in ka badan laba toddobaad ka dib markii Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu sheegay in Eretria ay oggolaatay in ay kala baxdo ciidamadeeda ka jooga Ethiopia, gaarahaana waqooyiga gobolka Tigrayga intii lagu gudajiray dagaalkii ka qarxay halkaasi bishii November 2020.

Saddex qof ayaa naftooda ku waayey ugu yaraan 19 kalena way ku dhaawacmeen weerar kale oo sharci darro ah oo ciidamada Eretria ay ku qaadeen dad rayid ah oo Tigray ah, Weerarada ula kaca ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah waxaa mamnuucaya sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada waana in la joojiyaa, ”ayay tidhi ku-xigeenka agaasimaha Amnesty ee Bariga Africa, Sarah Jackson.

Waxaanay ku celisay baaqii haa in baadhitaan caalami ah lagu sameeyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee colaadaha mudada badan ka socotay Tigray, oo ay ku jiraan dambiyada dagaal ee suurtagalka ah iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Isniintii, hay’adda samafalka caalamiga ah ee Dhakhaatiirta aan Xudduudda Lahayn (Medecins Sans Frontieres, MSF) ayaa soo xigatey bukaanno ku dhaawacmay Adwa iyagoo sheegaya in askartu ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa meel u dhow goob basaska laga raaco.

Waxay sheegtay in dadka dhaawaca ah loo qaaday xarumaha ay MSF taageerto si loogu daweeyo.

Eritrea ayaan ka hadlin toogashada ka dhacday Adwa. Waxay hore u beenisay warbixino badan oo ciidaada Eritreaku ka ay gaysteen gobolka Tigrayga oo ay ku jirto dil wadareed iyo kufsi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*