Latest News

Baytimaallka Biyaha Hargeysa

Marka hore, maxaad u taqaaniin ereyga ah “Baytimaal”? Ereyga asalkiisu waa Af-carabi la duway oo waa ‘Baytal-maal’, oo ka duwan ereyga kale ee Baytalmaay (Guriga Biyaha ama Musqusha). Baytal-maal waa Hoyga Hantida Ummadda ee Islaamka. Kaas oo dadka ka dhexeeya. Laakiin markii Somalidu ay ogaatay in aanay jirin, cid gaara oo ilaashata Hantida Dawladda, ayuu qof walba dhiniciisa ka fujistay wixii ummaddu wada lahayd … Guriga ummadda, gaadhiga ummadda, seeraha ummadda iyo hantida ummadda Islaamka waxay Somalidu u la baxday Baytimaal dayacan.Sheekaba sheeko ayay keentaaye darraad baan booqday magaalada Borama. Waxaan ogaaday Hayadda Biyaha ee Shaaba, ee gaarka loo leeyahay, in aanay iyadu ahayn Baytimaal. Waxay dhistay 23 ceel oo dhaadheer, barkadahoodii, dhuumahoodii iyo dab-dhiliyahoodii. Borama oo kala dhaadheer, ayuu haddana Shacabku dhammaantii labada gacmood ku maydhaa. Biilka biyaha u qaalisan ee guriga xaaskuna, kama badna bishiiba $8.Waxaa biyaha u dheer Laydhka oo isna qiimaha halkii Kiloowaat ka yar yahay nus Doolar ($0.4). Laydhka iyo Biyuhuba Baltimaal ma aha magaalada Borama (ma aha Public), dawladduna ma laha, ee dad u naxaya dadkooda ayaa ka ganacsada.Haddaba Caasimadda Somaliland ee Hargeysi, waa magaalo aan cidina u wer-warayn. Xisbiga Kulmiye, doorashadii 2010kii waxa uu ku galay inay daboolayaan baahida ay Hargeysi u qabto biyaha. Tobankii sano ee tegay, baahidii biyuhu inay sii korodho mooyee, biyo looma hayo Hargeysa. Lacagta ku baxday Biyaha Hargeysa tobankaas sanona, waxay kor u dhaaftay Todobaatan Million oo Doolar ($70,000,000), oo beesha Caalamku ku deeqday.Ma Toban Sanaa?! Waa yaab! Hargeysa oo dooxa ka cabta, ayuu Shiinuhu sanadkii 1971 ilaa 1972 ku dhameeyay Wajigii Hore ee Biyaha Hargeysa. Oo ka koobnaa:1. Sahanka Biyaha Hargeysa2. Sideed ceel oo dhaadheer oo laga qoday Geed Deeble.3.Ha dhuuna stood ah, Oo dhumucdeedu dhantahay 12″ Incj, oo la dhigay inta u dhexaysa Geed Deeble ilaa Hargeysa.4. Seddex Barkadood oo biyuhu ku nastaan. Oo middiiba ay qaaddo 1,500 oo Mitir Kuyuubic. Oo ku kala yaala Geed Deeble, Biyo Shiinaha iyo Sheedaha ugu qotonka dheer magaalada Hargeysa.Wajigii hore ayaa sidaas ku dhammaaday, oo laga maarmay biyihii sadhaysnaa ee laga cabayay dooxyada. Oo laga raystay ciduradii ragaadiyay caafimaadka iyo caruurta nugul.Wajigii labaad oo Shiinihii soo noqday, waxa uu isna ku dhameeyay, keliya, laba sano iyo badh. Waana intii u dhexaysay 1986 ilaa 1988kii. Wajigaas labaad waxa uu isna ka koobnaa:1. Sahan biyood oo fiican oo laga helay Jaleelo. Loona dhigtay keydka Hargeysa.2. Lix ceel oo dhaadheer oo laga bineeyay Kalqoray. Laguna soo xidhay Geeddeeble oo u jirta 5 KM.3. Dhuun labaad oo iyana dhumucdeedu dhan tahay 12″ Iinj. Taas oo dadban 30 KM, Geed Deeble ilaa Hargeysa.4. Seddex Barkadood oo kalr, oo middiiba ay qaaddo 1,500 oo Mitir Kuyuubic. Oo sidii kuwii hore, ku kala yaalay Geeddeeble, Biyo Shiinaha iyo Sheedaha oo ugu qoton dheer magaalada Hargeysa.5. Waxay magaalada si ballaadhan ugu wadheen, dhuumo dhumucdoodu tahay 4 iinj.Haddaba, markii dalka lagu soo noqday, waxaa masuul looga dhigay biyaha, dad aan aqoon iyo khibrad biyood midna ahayn. Oo weliba wixii la soo maray iyo wixii qabsoomay toona war iyo walaal midna u hayn. Masuuliyad darridaasi waa ta keentay inay booyaduhu maanta Hargeysa uga dhaamiyaan, dooxyo aan la hubin faya dhawrkooda. Maalin baan u soo galay nin Wakaaladda Biyaha ka ahaa Maareeye. Waxaan u sheegay: “Sidii uu u noqday Maareeye, in aanaan helin biyihii wakaaladda, anoo u jira barkadda hal Kilometer”. Isna kuyee: “Sheekhaw, gurigaaga waan aqaanaa, oo buur buu ku yaalaa. Oo wuu ka sareeyaa Barkadda Biyaha, taas oo qul-qul uun ku waraabisa magaalada, markaas biyo heli maysid inta gurigayga ka sareeyo Barkadda Biyaha”. Intaan ku qoslay baan ku idhi: “Maareeye, ma markii aad adigu ku fadhiistay kursigii maamulka, ayuu gurigaygii iyo buurtii uu ku yaalabay foodhaceen? Ilayn horeba biyahu way i soo gaadhayeene. Oo weliba guriga laftiisa waxaan ku dhisay Biyaha Wakaaladda oo hortayda mari jiraye”.Guntii iyo gabagabadii, tobankii sano ee tegay iyo dheeraadkii, dhaliil aad u baaxad weyn baa dul hoganaya Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Hawgu sii darnaato h oo fashil ku dhaw. Madaxweyne, xafiiskiikaagu waxa uu ka soo hor-jeedo Wakaaladda Biyaha. Waxaan ku dareensiinayaa, in aad u talo badsado, waxa ka suurta gal ah Mashruucii Biyaha Hargeysa.”Hooye, biyo i sii”. Kulahaa toban sano: “Horta Reerku ha dego!”.Guurmuuse degayaa?!

W/Q: Mohamed Daud

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*