Latest News

#Ciidan Isku Reer Ah Oo Farmaajo Loogu Tababarayey #Eritrea Oo Loo Qaaday Faroomaha Dagaalka Gobalka Tigray.

Asmara,November27,2020(Haatufonline)-700 askari iyo sarkaal oo ka mid ahaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay 3000 oo madaxweynaha Somalia Farmaajo loogu tababarayey dalka Eritrea ayaa todobaadkii hore loo qaaday faroomaha dagaalka ka ooggan gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Eritrea iyo Itoobiya ee ay iska soo horjeedaan ciidanka gobolka Tigray.

Sida la ogsoonyahay labada hogaamiye ee Eritrea iyo Itoobiya ayaa madaxweyne Farmaajo ku dhiiri galiyey inuu dib ugu soo laabto talada dalka Somalia marka mudada xilkiisu dhamaato yadoo ay ugu balanqaadeen taageero ciidan oo uu Farmaajo ku meel mariyo sidii uu mar kale ugu guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada Somalia bisha February 2021.

Ciidanka Farmaajoo loogu tababarayey dalka Eritrea oo isku reer ayaa loogu talo galay inay ilaaliyaan amaanka Farmaajo isla markaana iyagoo la kaashanaya ciidamada Itoobiya ee ka mid ah Amisom ay cudud milatari ku muquuniyaan cid kasta oo ka hortimaadda doorashada Farmaajo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*