Latest News

Raafka Ka Socda #Eritrea Iyo Cadaymo Cusub Oo Muujinaya In Ciidamada Eritrea Ay Qayblaxaadle Ka Qaadanayaan Dagaalka Gobolka Tigray

Asmara November 26,2020(Haatufonline)-Qurbojoog kasoo jeeda Eitrea oo khadka telefoonka kula hadlay ehelkooda ku sugan gudaha dalka ayaa sheegay in uu raaf ciidan ka socdo gobolada dalka oo ay dhalinyaradu inta badan laasimaan guryahooda.Wiil reer Asmara ah oo kusoo dhaawacmay dagaalka gobolka Tigray oo telfoonka lagu waraystay ayaa sheegay inuu ka tirsanaa ciidamo farabadan oo reer Eritrea ah oo inta loo labisay dirayskii ciidanka Itoobiya la geeyey faroomaha dagalka kasocda gobolka Tigray ee Itoobiya.Wiilkani wuxu ka waramay khasaare badan oo ciidankooda iyo kii Itoobiyaanka soo gaadhay.

Dhinaca kale dadka kasoo qaxay magaalooyinka gobolka Tigray ee ku dhaw xadka u dhaxeeya Tigray, Eritrea iyo Suudaan ayaa markii ay soo gaadheen Soodaan ee la waraystay dhamaantood ka sinnaa in magaalooyinkii ay kasoo qaxeen lagu garaacayey hoobiye laga soo ridayo jihada waqooyi ee ku beegan dhulka Eritrea taasoo ay ka maragkaceen sariikiisha reer Soodaan ee xiligaas ku sugnaa dhinaca kale xadka.⁸

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*