Latest News

Ciidanka Danab Ee Maraykanku Tababaro Oo Askar Iyo Saraakiil Ka Tirsan #Alshabaab Ku Laayey Gobolka Hiiraan

Beladweyn,Febraury 22, 2022(Haatufonline)-Xubno ka tirsan Alshabaab oo aad u tiro badan ayaa lasoo warinaya inay ku dhinteen deegaano ku yaala gobalada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe kadib markii ay fadhiisimadooda ay maanta weerar kusoo qaadeen ciidanka komaandooska ah ee Danab .
Hawlgalkan balaadhaan waxay ciidanka Danab ee Maraykanku tababaraan ka fuliyeen gobo ku dhaw tuulooyinka Fiidoow,Dudubley,Burcadheer iyo Kiliga Shiinaha kuwaasoo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Sida uu sheegay Gaashaanle Xasan Maxamad Cismaan oo ah taliyaha ururkii fuliyey weeradani,kooxda Alshabaab waxa laga burburiyey xarumo ay walxaha iyo bambooyinka qarxa ku farsamaysan jireen iyo kantaroolo ay dadweynaha ku dhibi jireen oo ay lacago baad ah kaga urursanjireen.Saraakiisha Alshabaab ee lagu laayey hawlgalkan ayaa waxa la aaminsanyahay inuu ku jiray madaxi garabka jabhadaha ee u qaabilsanaa gobolka Hiiraan.

Connect with us on Facebook