Latest News

Maxaa Somalia Ka Dhigay Gabood Ay Ku Dhuuntaan Oo Magangaliya Argagixisada Iyo Dambiileyaasha Calooshooda U Shaqaysta

Xuseen Colaad        February 20,2022

Waxa inta badan la isweydiiyaa maxaa Somalia ka dhigay meel ay si dhib yar u tagi karaan dadka doonaya inay Alshabaab ku biiraan iyo maxaa keenay inay Somalia soo haybsadaan dad dambiileyaal ah oo calooshooda u shaqaysta si ay ugu dhex nooladaan si sharci darro ahna uga dhex ganacadadaan.??

Run ahaanti Nabadgelyo Darada iyo Dawlad Xumidu qayb uunbay ka tahay laakiin maaha sababta kaliya ee ay Somalia labaatanki sanadood ee u dambeeyay u noqotay gabood magangaliya ooy kusoo hoos dhuuntaan argagixisada, mujrimiinta iyo calooshood u shaqaystryaashu.
Somalia waa dal wali lagaga dhaqmo mabda’a Soomaaliweyn ee qofkasta oo isirkiisu Soomaali yahay siinaya xuquuq la mid ah qofka u dhashay Somalia ama aan nidhaahno e’ dalkii uu Talyaanigu gumaysan jiray.Taasi waxay keentay in dad badan oo xagjir ahi ay usoo baqoolaan dhinaca Somalia iyagoo ka imanaya dhulalka kalee Soomalida iyo waliba dalal fog fog oo qurbaha ah.

Dalalka ay dakaasi ka yimaadaan waxa ka mid ah Kenya(NFD),Ethiopia(Dawladda Ismaamulka Soomaalida),Somaliland iyo Djibouti.Hasa yeeshee dalalkaasi waxay ula dhaqmaan dadka Somalia u dhashay sidii dad ajaanib ah.
Waxa kale oo jira dad Somalia u shaqo taga oo siyaasadda ka ganacsada taasoo ka mid ah sababaha ay siyaasadda Somalia la dagi la’dahay.

Tusaale ahaan sanadkii 2002 waxa fashilmay dhaqdhaqaaq ay Somaliland ka wadeen Axmed Cabdi Godane iyo Ibraahim Afgaan oo ay ku abuurayeen urur xagjir ah ,waxaanay labadoodiiba markii la ogaaday u baxsadeen dhinaca Somalia halkaas oo ay kaga biireen ururka Alshabaab oo uu xiligaa madax ka ahaa Xaashi Cayro.

Hadaba dalka Somalia waa in uu dib isugu noqdaa oo uu wax ka badalaa sharcigan ku dhisan Soomaaliweyn-nimada ee Somalia ka dhigay xero bahallo galeen ah iyo dal aan la kala lahayn oo cid walba sheegan karto dhalashadiisa iyo xata madaxtinimadiisa. 7

Connect with us on Facebook