Latest News

Ciidanka Danab oo maleeshiyada Alshabaab ka firdhiyey tuulooyin ku dhaw Muqdisho.

Haatufonline,December 19,2025

Ciidanka Danab ee Maraykanku tababro ayaa todobaadkan maleeshiyada Alshabaab ka caydhiyey tuulooyin maamul ahaan ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, balse masaafad ahaan ku dhaw caasimadda Muqdishu,isla markaana burbuburiyey dhufaysyo iyo godad dhulka hoostiisa ah oo ay halkaas ka qoteen.

Hawlgalkan oo ka bilaabay tuulada Basra ayaa sidoo kale lala beegsaday maleeshiyadii Alshabaab ee ku sugnayd tuulooyinka kale ee Baqdaad iyo Jaambaluul. Alshabaab ayaa maxkamado iyo kontaroolo ay cashuur baad ah dadka kaga qaadaan ka samaystay deegaanadaas haatan laga saaray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*