Latest News

Ciidanka Ilaalada Badda Iyo Bilayska Somaliland Oo Badbaadiyey 11 Harimacad Oo La Tahriibinayey

Haatufonline, September 30,2025

Ciidanka Ilaalada Badda iyo Bilayska Somaliland ayaa todobaadkan badbaadiyey 11 harimacad dhal ah oo la damacsanaa in loo tahriibiyo dalka Yaman iyadoo gacanta lagu dhigay tahriibleyaashii dhoofinayey harimacadka oo kala ah sadex Yamaniyiin ah iyo laba reer Somaliland ah iyo waliba doonti lagu tahriibinayey xayawaanka iyo baabuurkii (Landcruizer) lagu soo qaaday ilaa xeebtaHarimacdka dhasha ah ayaa inta badan laga tahriibiyaa dalalka Geeska iyo Afrikada Bari, waxaana loo iib geeyaa dalalka Khaliijka ee hodanka ah iyadoo ee la sii mariyo dalka Yaman.Khaliijiyiinta ayaa jecel inay harimacadka dhasha ah rabbaayad ahaan guryaha ugu haystaan oo ku korsadaan(pets),waxaana suuqa madaw xabaddi la kala siistaa lacag u dhaxaysa $6600 ilaa $50,000 , taasoo sababtay koradhka laxaadka leh ah ee ku yimid tirada harimacadka la tahriibiyo.Dawladda Somaliland ayaa si adag ula dagaalanta ganacsiga qayrul sharciga ah ee duurjoogta iyadoo culays gaar ah saartay ka hortagga tahriibta harimacadka.Taliyaha ciidanka Ilaalada Badda ee gobolka Saaxil Haaruun Siciid Cali oo ka hadlay munaasabad ay hayadaha Sharci fulinta iyo Isu -Duwaha Gobolka ee Deegaanku (Regional Environment Coordinator) ay kula wareegayeen tahriibleyaasha iyo harimacadka la qabtay ayaa digniin u diray cidkasta oo isku dayda inay tahriibiso duur joogta dalka in lasoo qaban doono oo sharciga la horkerni doono.Sidoo kale waxa isna munaasabaddaasi ka hadlay Gudoomiyaha(Governor) gobolka Saaxil Maxanad Cabdillaahi Gaavane,waxanu dadwaynaha uga digay inay dalkooda khiyaameeyaan oo gacan siiyaan tahriibleyaasha duur joogto. Waxay ahayd sanadkii hore markii deegaanka Geed-Deeble ee waqooyiga Hargeysa ku yaala laga yagleelay xarun weyn oo lagu xanaaneeyo harimacadka dhasha ah ee ay Ilaaladda Badda iyo ciidamada Bilayska Somaliland kasoo badbaadiyaan tahriibleyaasha sida kow iyo tabankan xabadood ee u dambeeyey ee lagu qabtay gobolka Saaxil.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*