Latest News

Ciidanka Puntland oo hore ugu ruqaansaday goobo cusub oo ku yaal togga Ballaade

Haatufonline,September 3,2025

Dagaalka ka socda buuralayda Calmiskaad waxay ciidanka Puntland ee baacsanaya maleeshiyada Daacish ay saaka ku qabsadeen goobo cusub oo ku yaala togga istraatiijiga ah ee Baallade ,waxaana ka mid ah deegaanada Ceel Albaraka, Afka-Dharimood, Burti-Ciise iyo kuwa kale oo ka tirsan isla togga Baallaade ee gobolka Bari ee Puntland.Siday sheegeen saraakiisha Puntland, intii uu dagaalku socday lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsaanaa kooxda Daacish isla markaana uu hawlgalku socon doono ilaa Daacish laga safaynayo buuralayda gobolka Bari ee ay ku dhuumaalysan jireen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*