Latest News

Ciidanka Puntland Oo Saldhig Muhiim Ah Kala Wareegay Daacish

Haatufonline,June 27,2025Ciidanka Puntland ayaa 26/6/2025 si buuxda kooxda Daacish ugula wareegay meel lagu magacaabo Ceelka Shankaalooyinka oo dhacda togga Baallade ee buuraha Calmiskaad. Buuraha Calmiskaad oo ku yaalla gobolka Bari ee Puntland ayaa ilaa horaantii sanakan waxa ka socday hawlgal balaadhan oo ay wadaan ciidanka Puntland oo ka dhan ah maleeshiyada Daaciish oo deegaankaas ku sugnaa muddo dheer . Hawgalkan oo hadda galay wajigiisii afraad ayaa sida la sheegay kooxda Daacish lagaga sifeeyey degaan balaadhan oo ay saldhigyo ku lahaayeen iyadoo ay ciidanka Puntland ay shalay ka qabsadeen Ceelka Shankaalooyinka oo ahaa xero ciidan oo ay Daacish u isticmaali jirtay saldhig ay ka abaabulaan weerarro argagixiso. Puntlanda oo ah maamul goboleed ka tirsan tirsan Soomaaliya ayaa dagaalka ay ku qaadday kooxda Daaciish aan wax taageero ah kaga helin xukuumadda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AUSSOM toona, inkastoo ay Maraykanka iyo Imaaraatku mararka qaarkood ka taakuleeyan duqayn xagga cirka ah oo la la beegsado xubnaha Daacish ee buuraha ku dhuumaalaysta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*