Ciidanka Puntland Oo Weeraray Goob Ay Ku Sugnaayeen Saraakiil Sarsare Oo Ka Tirsan Daacish
Haatufonline,October 14,2025Ciidanka Puntland ayaa Sabtidii weerar ku qaaday maleeshiya ka tirsan Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aagga Ceelka Il-abbal ee ku yaalla buuralayda Calmiskaad,halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kooxda Daacish oo uu ku jiro Cabdiraxmaan Faahiye kaasoo ka mid ah hogaanka sare ee Daacish iyo laba horjooge oo kale.Ciidanka Puntland ee hawlgalkan waday ayaa taageero dhinaca cirka ah ka helay saaxiibada caalamiga ah kuwaasoo duqayn la beegsaday goodadka buuralayda ee ay Daaciish ku dhuuntaan. Warsaxaafadeed ay soo saartay Puntland, ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka Puntland ay dul tageen godad ay ku qalaleen xubno ka tirsanaa Daacish oo waqtiyo hore lagu dilay duqayn cirka ah.
Leave a comment