Latest News

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Faahfaahin Ka Bixisay Dagaalka Maalintii Todobaad Lugu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka

Hargeysa, February 12, 2023 (Haatufonline)-Xukuumada Somaliland waxay hore ugu dhawaaqday Kuna Cel-celisay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse waxa xabad joojintii markale jabiyey kooxaha ku soo duulay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood, oo subaxnimadii hore ee saaka markay saacadu ahayd 5:30 Am dagaal ku soo qaaday Ciidamada ku sugan Xeryahooda.

Goobaha ay saaka soo Wareereen kooxahaasi waxa ka mid ah:

  • Xafiiska Badhasaabka Gobolka SOOL.
  • Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Laascaanood.
    Waxaanu Ciidanka Qaranku Weerarkaasi kaga jawaabay is-difaacid, Ilaa hadana dagaalkii wuu socdaa.
    Ciidanka Qaranku waxa ay wali u taagan yihiin oo ay ixtiraamayaan xabad joojintii ay hore ugu dhawaaqday xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, hurinayaana kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga gaadho dagaalka, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood.

Dhinaca Aaga Tukaraq;

Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub.
Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa.

Ugu dambayntii

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ogaysiinaysaa Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo dadka nabada jecelba inay wali xabad joojin bilaa shuruud ah ay dhankeeda dhaqan-gal ka yahay.

Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed

Wasiir Ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*