Latest News

Ciidanka Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Ilaaliyihii Horjoogaha Al-shabaab Ee Cabdi Madoobe

Laascaanood, February 17, 2023 (Haatufonline) – Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay ilaaladii horjoogaha kooxda Al-shabaab ee ku sugan magaalada Laascaanood.
Ciidamada Qaranku waxa ay ku qabteen dagaal maalintii shalay Laascaanood ka dhacay nin magaciisa ku sheegay Cabdirashiid Aadan Muuse iyo nin kale oo ka tirsan ilaalada kooxda Al-shabaab ee uu hoggaamiyo Cabdi Madoobe.
Waxaanu Ilaaliyaha Cabdi Madoobe uu ku sheegay inuu kooxdan uu ku soo daray Awowgii oo uu u keenay Cabdi Madoobe si ay uga soo dagaalamaan magaalada Laascaanood ee Somaliland.
Xukuumada Somaliland ayaa tan iyo mudadii 13ka cisho ahayd ee uu socday dagaalka Laascaanood sheegaysay inay dagaal kula jirto kooxo argagixiso Al-shabaab ah oo gacan ka helaya Puntland iyo dhalinyaro la qalday oo reer Laascaanood ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*