Latest News

Horjoogaha Alshabaab Ee Cabdi Madoobe Oo Ku Hanjabay Inuu Layn Doono Ergo Nabadeed Ka Kooban Salaadiinta Somaliland

Laascaanood,February 19,2023(Haatufonline)-Cabdi Madoobe oo ah horjoogaha kooxda Alshabaab ee Laascaanood dagaalku ku dhex marayo ciidanka Somaliland ayaa maanta ku hanjabay inuu gacantiisa ku layn doono xubnaha ergo nabadeed ka kooban Salaadiinta Somaliland oo shalay Hargeysa uga ambabaxay dhinaca gobolka Sool si ay ula kulmaan isimada beesha Dulbahante oo ay uga wada hadlaan sidii nabad loogu soo afjari lahaa colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Cabdi Madoobe oo saldhigiisu ahaan jiray magaalada Buuhoodle ayaa haatan ah taliyaha dagaalyahanada xagjirka ah ee ku sugan Laascaanood iyadoo lagu eedeeyo inuu isagu ka dambeeyey dilaal taxane ahaa oo shanti sanadood ee u dambeeyey magaalada Laascaanood loogu geystay masuuliin xilal ka hayey maamulka gobolka Sool ee taabacsan Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*