Latest News

Ciidankii Alshabaab Ee Xarardheere Oo 2 Kooxood U Kalajabay Dagaalna Dhexmaray

Dhuusamareeb,January 1,2022(Haatufonline)- Ciidankii Alshabaab ee deganaa Xarardheere oo ku taala badweynta Hindiya ayaa ayaa u kala jabay 2 kooxood kuwaasoo uu maanta mar kale dagaal ku dhexmaray deegaan ilaa dhawr iyo toban km dhinaca galbeed ka xiga Xarardheere. Siday ilo xog ogaal ahi noo sheegeen isla markaana lagu xusay warbaahinta kala duwan ee Somalia, waxa kala jabka ciidanka Xarardheere ka dhashay khilaaf ka dhex qarxay madaxda ciidanka oo ku saabsan sida loo waajahayo xaaladda cusub ee lasoo daristay Alshabaab ka dib markii ay ciidamada Macawislayda iyo kuwa dawladda Somalia kordhiyeen weerarada ay la beegsanayaan xarumaha iyo fadhiisimaha Alshabaab taasoo ay kooxda Khawaariijtu khasaare badan oo xagga ciidanka ah ay kala kulmeen isla markaana laga qabsaday deegaano badan oo ku yaala labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sida lagu soo waramay xiisadda khilaafka ayaa waxa sii kiciyey is-faham waa ku saabsan sida ay tahay in Alshabaab uga tabaabushaystaan weerarka ay ciidamada Macawislayda iyo dawladdu damacsanyihiin inay kusoo qaadaan Xarardheere oo Alshabaab gacanta ugu jirtay muddo dheer.

Labada kooxood ee dagaalku dhexmaray ayaa waxa kala hogaaminaya laba horjooge oo la kala yidhaahdo Muxyiddiin iyo Nuunaale waxaana tiraba sadex jeer uu dagaal dhexmaray 24 saacadood ee u dambeeyey kaasoo labada dhinacaba ay dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaadheen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*