Daacish oo loogu Galay hogag ay ku dhuuminayaan oo ku yaala Calmiskaad
Haatufonline,November 26,2025
Maalmahan u dambeeyey ee todobaadkan waxa bùuralayda Calmiskaad ee Puntland ka socday hawlgal militari oo cir iyo dhulba ah oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo la aaminsanyahay inay ku jiraan hogaamiyeyaal sar sare.Siday Puntland sheegtay hawlgalkan oo ka dhacay buuralaydda degaanka togga Baallade ayaa waxa ka qaygalay ciidanka Puntland iyo ciidamo Maraykan ah kuwaasoo waaberigii doraad weerar culus ku qaaday hogag dhufayso adag leh oo ay xubnaha Daacish ku jireen iyadoo loogu daatay kadib markii duqayn is-daba joog ah oo cirka ah loo geystay maalmo ka hor.
Ilaa hadda ma jirto faahfaahin ku saabsan khasaaraha loo geystay Daacish,hasayeeshee waxa la sheegayaa in 10 ilaa15 Daacish ah lagu dilay aagga Bakuuje iyo Mareero ee Calmiskaad isla markaana halkaas lagu burburiyey hub,saanad iyo qalab dahabka lagu baadho.
Leave a comment