Latest News

Dablay Loo Tirinayo Alshabaab Oo Laascaanood Dhexdeeda Ku Rasaaseeyey Baabuur U Leeyahay Garaad Abdillahi Garaad Mohamed

Laascaanood,January 18,2023(Haatufonline)- Rag hubaysan oo loo tirinayo kooxda Alshabaab ayaa maanta magaalada Laascaanood dhexdeeda ku rasaaseeyey baabuur Land Cruiser ah oo u leeyahay garaad Cabdilaahi garaad Maxamad. Sida uu sheegay wariye ku sugan Laascaanood oo ka cudur daartay in magaciisa la baahiyo waxa loo badinayaa in falkan ay gaysteen rag dablay ah oo moodayey in baabuurka ay saarnaayeen masuuliin ka tirsan dawladda Somaliland inkastoo lambarka wado-marista ee baabuurka ku xidhnaa laga leeyahay Puntland taasoo abuurtay shaki wayn oo ah in kooxda Alshabaab ka dambaysay falkan.

Kooxda Alshabaab ayaa loo aanaynaya dilal Laascaanood dhexdeeda ka dhacay dharkii sanadood ee lasoo dhaafay oo lala beegsaday ilaa 40 qof oo u badnaa masuuliinta dawladda Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*