Latest News

Laba Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan Oo Dil Lagu Xukumay

Muqdisho, January 17, 2023 (Haatufonline) – Axmed Sahal Cali Maxamuud iyo Qudaama Xamsa Yuusuf oo ahaa labo xubnood oo katirsanaa Alshabaab ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho.

Labadan xubnood oo katirsanaa amniyaadka kooxda Alshabaab, ayaa dabayaaqadii bishii Octobar ee sanadkii 2022 gacanta lagu dhigay, kaddib markii ay degmada Kaaraan ku dileen askari katirsanaa Booliiska.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta la horkeenay, ayaa sidoo kale ku heshay dambiyo kale oo la xiriiray ka qeyb qaadashada dilal ka dhacay Muqdisho oo loo geystay askar katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Axmed Sahal iyo Qudaama Xamse ayaa Alshabaab ku kala biiray sanadihii 2017 iyo 2020. Waxaa la sheegay inay kasoo qeyb qaateen dagaalo ka dhashay meel katirsan gudaha dalka iyo dalka Kenya.

Maxkamadda ciidamada ayaa ku riday xukun qisaas ah oo ah dilkii ay u geysteen Shuuke Caddaawe Maxamed oo askariga ay ku dileen Kaaraan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*