Dagaal maanta duleedka Muqdiaho ku dhexmaray ciidanka dawladda iyo Alshabaab
Haatufonline December 23,2025
Deegaanka Gandarshe Oo masaafad ahaan sadex km kaga beeggan galbeedka magaalada Muqdishu, ayaa saaka dagaal ku dhexmaray ciidamada dawladda Somalia iyo maleeshiyo ka tirsan Alshabaab .
Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxay dhinaca dawladda ee dagaalkaasi ku saabsanaa waxay sheegayaan in ciidamadda dawladda oo la kaashanaya ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka ay ku guulaysteen inay dagaalyahanadii Alshabaab ka saraan deegaanka Gandarshe isla markaana ay baacsanayaan firxadkoodii.
Siday noo sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi, maleeshiyada Alshabaab ayaa ilaa todobaadkii hore ku sugnaa meel ku dhaw Gandarshe iyadoo saacado ka hor dagaalkan maanta ,ay laba xubnood oo ka tirsan Alshabaab isku qarxiyeen xero ciidan oo la yidha xerada Nacnaca oon ka fogayn Gandarshe. Xeradan ayaa waxa ku jiray ciidan tababarkoodii dhawaan kusoo dhamaystay saldhigga Turksom ee ku dhaw xerada Nacnaca.
Ilo xog ogaal ah oo nooga waramay qaraxa lala beegsaday xerada Nacnaca ayaa noo sheegay in Alshabaab ay deegaanka Gandarshe ku qabteen askari ka tirsanaa xeradaas goor uu ehelkiisa soo booqanayey,kadibna ay khasab kaga dhigeen inuu xerada ciidanka galiyo iyadoo isaga,iyo ilaa lixdameeye askari iyo labadii xubnood ee Alshabaab dhamaantood ku wada dhinteen qaraxii.
Leave a comment