Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Ku Booriyey Golaha Wasiirada Inay Mudnaanta 1aad Siiyaan La Dagaalanka Al-Shabaab

Muqdisho, October 6, 2022 (Haatufonline) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaanu ku booriyay Golaha Wasiirada inay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab oo dhamaan wasaaraduhu ay kaalin ku yeeshaan arintaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada laga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Waxaana hoosta laga xariiqay in dowladda Soomaaliya ay gurmad degdeg ah gaadhsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaas looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay uga garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanida dalkeenna.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*