Latest News

Dagaalka Badda Cas Oo Saamayn Taban Ku Yeeshay Ganacsatada Djibouti

Haatufonline,May 9 2024

Warbixin laga sii daayey telefishanka Shiinaha ee CGTN ayaa sheegtay in hawlgalada milatari ee ka socda Badda Cas ay carqalad iyo saamayn taban ku yeesheen ganacsatada dalka Djibouti ee baayac mushtarkoodu ku xidhnaa badeecadaha laga soo dajiyo dekadaha dalkaasi.
Kadib markii ay kooxda Iran taageerto ee Xuuthiyiintu ay bishii November 2023 bilaabeen weeraro ay la beegsanayaan maraakiibta isticmaasha Badda Cas oo ay ugu hiilinayaan Qaza ayaa waxa kolba sii yaraanaysay tirada maraakiibta ka weecanaysa dekada wayn ee Djibouti ee ku dhaw goobaha Badda Cas ee ay Xuuthiyiintu maraakiibta ku weeraraan.
Waxa kale oo ganacsatada Djibouti ay la kulmaan badeecadaha ay dibadaha ka dalbadaan oo dib uga dhaca waqtigii ay caadiyan kusoo gaadhi jireen dekadda Djibouti taasoo ay ugu wacantahay nabadgelyo xumada ka taagan marinka Badda Cas.
Inkastoo ciidamada cirka iyo badda ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay duqayn xoog leh u geystaan madaarada iyo saldhigyada ay Xuuthiyiintu kasoo duuliyaan diyaaradaha drone-ka ah isla markaana kasoo ridaan gantalaha ay la beegsadaan maraakiibta,hadana Xuuthiyiintu waxay wali wadaan weeraradoodii.
Ammaandarada ka aloosantay biyaha Badda Cas ayaa sido kale saamaysay dhaqdhaqaaqii ganacsata yar yar ee ku tiirsanayd tujaarta wax lasoo degta ama dhoofisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*