Latest News

Madaarka Muqdisho Oo Lagu Qabtay Hub Uu Wasiirka Amniga Somalia U Dirayey Qabiilkiisa

Muqdisho,May 9,2024(Haatufonline) -Waxa madaarka Muqdisho maanta lagu qabtay hub qoryo iyo rasaas ah oo uu wasiirka Somalia u qaabilsan arimaha Amniga Gudaha Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) u dirayey reerkiisa Marerxaan oo dhawaan dagaal dhex maray reerka Fiqi Muxumad ee ka tirsan qabiilka Surre ee Direed.
Ciidanka la dagaalanka argagixisada ee Gaashaan ayaa saaka is hortaagay diyaarad ka kacaysay gagada diyaaradaha ee Muqdisho waxaanay kasoo dajiyeen 60 qori oo gaal ah,rasaas iyo hub kale oo wasiir Fartaag damacsanaa inuu u diro Caabudwaaq oo reerkiisa Mareexaan dagganyahay kadib markii uu hubkaas kala soo baxay kaydka hubka ee bilyaska Somalia.
Taliyaha booliska Somalia oo Ogaadeen ah iyo taliyaha Ciidanka Lugta oo Dhulbahante ah ayaa Fartaag la qabanqaabiyey inuu qabiilkiisa u raro hubkaas.
Madaxweynaha Somalia ee Xasan Sheekh ayaa dhawaan 3000 qori iyo sadex diyaradood oo rasaas ah usoo diray isbahaysiga Huwanta iyo Alshabaabka ee ku sugan Laascaanood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*